Trump: oo Caasimada Yahuudda u Aqoonsaday Quduz iyo Rasbashada ka socda Magaaladaasi

0

Madaxweyne Trump ayaa isagoo ka hadlayey Aqalka Cad wuxuu si rasmi ah u aqoonsaday in magaalada muranku ka taagan yahay ee Quddus ay tahay caasimadda Yahuuda, go’aankaas oo ah mid meesha ka saaraya siyaasaddii uu Maraykanku ku socday tobanaan sano.

Wuxuu kaloo ku dhawaaqay in safaaradda Maraykanka laga rari doono magaalada Tel Aviv oo loo rari doono Quddus.

Wuxuu sheegay Mr Trump in go’aankaas aan loola jeedin in Maraykanku uu faraha ka qaaday sidii ay uga go’nayd in nabad waarta laga gaaro bariga dhexe.

Falastiiniyiinta ku nool koofurta marinka QAZA oo hadalkaas aad uga caraysan ayaa gubay sawirka Mr Trump, kan ra’iisul wasaaraha calanka Yuhuudda, waxaana Magaalooyinka Falistiin maanta ka soconaya dibad baxyo rabshada wata oo looga soo hor jeedo go.aanka Madaxweyne Trump.

inyar ka hor intii uusan go’aankaas ku dhawaaqin ayuu madaxweyne Trump sheegay in tallaabadan ay ahayd inay goor hore la doonayay iney dhacdo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here