Maamulka ahlusuna ayaa dowlada iyo beesha caalamka ugu baaqay inay taaba galiyaan oo ay garab istaagaan heshiiskii ay lagaleen Maamulka Galmudug.
Hogaamiyaha Ahlusuna Shekh Maxamed Shakir ayaa sheegay in ahlusuna ay mudan atahay in lagu bogaadiyo nabadgalyada ay ka islaaxiyeen deeganada uu maamulkooda ka arimiyo wuxuuna xusuay inay difaac uyihiin maamul goboleedyo dhowr ah oo ay daris yihiin
Arbacadii shalay ayaa Maamullada Galmudug iyo Ahlu-sunna waxay si rasmi ah ugu heshiiyeen 14 qodob oo lagu soo afjaray khilaafkii dhanka siyaasadeed ee ka dhex taagnaa dhinacyadaasi .
Munaasabadda lagu soo bandhigayey heshiiskaas ay qalinka ku wada duugeen waxaa goob joog ka ahaa madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo sidoo kale madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo hoggaamiyaha Ahlu-sunna Sheekh Maxamed Shaakir.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa sheegay in dadka reer Galmudug ay guul utahay heshiiskii taariikhda galay oo ay Ahlusuna lasaxiixdeen
Khilaafka Ahlu Sunna iyo maamulka Galmudug ayaa soo jiitamayay muddo, wuxuuna maamulka Galmudg dhismay iyadoo Ahlu sunna ay diidan tahay.
Balse dhex dhexaadin ay sameeyeen dowladda federaalka Soomaaliya, urur goboleedka IGAD iyo dowladda Jabuuti ayaa lagu gaaray heshiis ka koobnaa 14qodob
Heshiiska waxaa lagu dhameystiri doonaa magaala madaxda maamulka cusub ee Dhuusamareeb sida kuxusan qoraalka ka soo baxay labada dhinac
Goobta heshiiska lagu saxiixay oo ah madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho waxaa fadhiyay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada dalka iyo wakiillada beesha caalamka.
Dhageyso:- Hogaamiyaha Ahlu-suna Shekh Maxamed Shakir

