waxaa maanta magaalada Muqdisho laga dareemayaa kulumo is daba joog ah oo ay yeelanayaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka kuwaa oo wada is xulufeysi iyo olole Mooshin oo ka dhan ah Madaxweynaha Somaaliya iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Kulumadaan ayaa maanta ka soconaya qaar kamid ah hodhelada ku yaal Magaalada Muqdisho, waxeyna xildhibaanadan wadaan mawjado mooshina oo Siyaasiyiin dan gar leh dabada ka riixayaan.
Kulumada Xildhibaanada uga socda Gudaha Muqdisho ayaa lagu sheegay iney yihiin kuwa is diidan, qaarkoodna ay yihiin kuwa la doonayo in xilka looga qaado Madaxweyne Farmaajo halka kulanka kale ay yeelanayaan qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka oo doonaya iney Mooshin ka keenaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaaliya Mudane Jawaari .
Maalinta barito ah ayaa la filayaa inuu furmo kulanka baarlamaanka, kaasi oo la hor geyn doono kiiska Qalbi dhagax ee Dowlada Somaaliya u gacan galisay Dowlada Itoopiya.
Pro dalxa oo la hadlay idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay iney Xildhibaanada Xaq u leeyihiin iney Mooshin ka keenaan Gudoomiye Jawari, waxuuna dalxa sheegay iney harsan tahay xildhibaanada in loo qeybiyo oo ay ka doodaan Mooshinkaasi.
Kulumadaan aya ah kuwa wali ka soconaya Magaalada Muqdisho waxaana lagu sheegay in qaarkood dana gaar ah laga leeyahay oo la doonayo in lagu baabi’iyo Kiiska muwaadin Qalbi dhagax ee maalinta bari ah la hor geynayo Xildhibaanada baarlamaanka, walow ay daba socdaan kulumadaasi kuluma kale oo la doonayo in mooshino laga geeyo Madaxweynaha Somaaliya Farmaajo iyo Gudoomiye Jawaari.
Halkaan ka Dhageyso Codka Xildhibaan Dalxa

