Wasiirka Maaliyadda oo Iskaga baxay Shirka Golaha Wasiirada ee ka socda Muqdisho.

0

Warar xog ogaal ah oo idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso xafiiska Raisul wasaaraha soomaaliya Xasan cali kheyre ayaa ku waramaya shirkii khamiis laha ahaa Golaha wasiirada in uu isaga baxay Wasiirka Maaliyadda Dr C/raxmaan Ducaalle Bayle kadib hadala kulul oo dhax maray isaga iyo raisul wasaaraha  Soomaaliya Xasan cali kheyre.

Wararka hoose ee  Simba heleyso ayaa sheegaya inuu shirkaasi bilawday abare 9:15 subaxnimo  ilaa waqtigaana uu ka socda Guriga Ra’iisal Wasaaraha waxaana jira doodo kulul oo u dhaxeeya Xubnaha ka qeyb galaya Shirkaas oo wali la isku mari la yahay.

Dooda kulul ee dhax martay wasiir beyle iyo raisul wasaare kheyre ayaa sababtay in beyle uu isaga baxo shirkaasi  lamina oga ilaa iminka halka uu aaday Wasiirka Maaliyadda Dr C/raxmaan Ducaalle Bayle.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay in wasiirka maaliyada uu wado qorshe uu ugu dhawaaqayo inuu xilka wasiirka maaliyada iska casilo, arintaan ayaana ku soo beegmeysa iyadoo maalintii Shalay ay ku dhawaaqday iscasilaadeeda Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maryan Qaasim Axmed iyadoona ku macneysay is casilaadeeda is bar bar yaac ka dhax jira Golaha Xukuumada.

Waxii kusoo kordha warka ku saabsan Wasiirka Maaliyadda Dr C/raxmaan Ducaalle Bayle waan idinla wadaagi doonaa, isha ku hay

 

                                                                                                     SimbaNews.com

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here