Afar ruux oo is qarxiyay ayaa dilay ugu yaraan 10 ruux, waxaana ku dhaawacmay dad badan oo kale oo ku sugnaa magaalada Maiduguri ee Waqooyiga Bari ee Nigeria.
Dadka is qarxiyay ayaa qaraxyadooda ku bartilmaameedsaday degmada Muna, sida ay booliisku sheegeen
Ma jirto koox sheegatay in ay ka dambaysay weerarka, si kastaba ha ahaatee, kooxda Bookoo Xaraam ayaa weeraro badan ka gaysatay Maiduguri oo ka tirsan gobolka Borno.
Qaraxa koobaad wuxuu dhacay 17:00 GMT, wuxuuna aad ugu dhawaa dad jameecaad ku tukanaya salaad, sida uu sheegay Bello Dambatta oo ka mid ah masuuliyiinta gobolka.
Mid kalana wuxuu qaraxa ka gaystay guri dhexdii, labadii soo hartay waxay is qrxiyeen iyaga oo aan gaarin bartilmaameedkoodii, ayuu intaas ku sii daray.

