Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa been abuur ku tilmaamay warar soo baxaya oo sheegaya in gaadiid qaraxyo sida ay ku jiraan magaalada Muqdisho.
Ku-simaha Taliyaha Booliska ahna Taliye kuxigeenka Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa tilmaamay in wararkaas ay yihiin kuwo been abuur ah oo lagu qalqal gelinayo shacabka.
Waxa uu tilmaamay in wararkaas ay been abuur yihiin islamarkaana shacaka Soomaliyeed ay Hay’adaha amaanka ay kusoo wargaliyaan hadii ay arkaan wax amniga lidi ku ah.
Sidoo kale waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay warar kale oo sheegaya in gaadiid ay leeyihiin AMISOM oo u gacan galay dagaalyahanadda Xarakadda Al-Shabaab in qaraxyo loo adeegsan rabo,laguna weerari doono garoonka muqdisho.
Howlgalka Midowga Afrika AMISOM ee Soomaliya ayaa sheegay in Al-shaabab ay weerar ku yihiin Garoonka diyaaradaha aadan Cadde ee Magaaladdda muqdisho islamarkaana baaritaano la sameyn doono.

