Qarax miino oo dhulka lagu aasay ayaa saakay ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho,iyadoona warar hordhac ah laga helayo qaraxa.
Sida ay sheegeen dadka deegaanka Qaraxaan oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago waxaa lala beegsaday Ciidamo ka tirsan dowlada Federaalka Soomaliya gaar ahaan kuwa Xasilinta Caasimada.
Miinada ayaa lagu aasay goob maalin walbo ay isugu yimaadaan ciidamada xisilinta Caasimadda waxaana jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

