Maamulka Xarakadda Al-shabaab ee Gobolka shabeelaha Hoose ayaa soo bandhigay meydadka dad caruur iyo dhalinyaro u badan oo ay sheegeen in xalay saqdii dhexe ay duqeeyeen diyaaradaja Dowladda Mareykanka.
Al-shaabab waxa ay sheegeen in Gantaal xalay saqdii dhexe ku dhacay beer ku taala deegaanka daaru-salaam ee Gobolka Shabeelaha Hoose uu sabababay dhimashada tiro dad Beeraley ahaa oo iska jiifay goob beertooda u dhow.
Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay weerar loo adeegsaday diyaarad oo ka dhacay deegaanka Basra oo u dhaxeeya Degmooyinka Afgooye iyo Balcad ee Gobolada Shabeelaha hoose iyo Shabeelaha Dhexe.
Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in weerar ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose lagu dilay dagaalyahano ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab oo gaaraya 100-ruux, Islamarkaana labo jeer deegaankaas la duqeeyay oo Al-shaabab ay la wareegeen galinkii dambe ee jimcihii.









