Ciidamada Dowladda Soomaliya oo Baaritaan Ku Bilaabay Gadiidka AMISOM

0

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaliya ayaa bilaabay howlgal ay ku hubinayaan gaadiidka Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee maraya meelaha muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.

Meelaha muhiimka ah ee ku yaala magaaladda gaar ahaan xarumaha dowladda ayaa maanta lagu arkayay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaliya oo baaraya gaadiidka Ciidamada AMISOM.

Goobaha gaadiidka AMISOM maanta lagu baarayay waxaa kamid ah xarunta madaxtooyada,isgoysyada tiyaatarka iyo igosyska sayidka oo si weyn ay u isticmaalaan Ciidamada AMISOM.

Waxaa la arkayay askari milatari ah oo ku amray askari waday gaari ka mida kuwa AMISOM inuu kasoo dego, si loo baaro, kadiba ayaa la sheegay in la weydiiyay aqoonsi, waxaana la fasaxay markii la hubiyay xaaladiisa.

Tani ayaa loo fasirtay mid ay dowladda Soomaliya ugu jawaabaysa hadalkii howlgalka AMISOM kasoo yeeray ee ku aadanaa in laga cabsi qabo qaraxyo lagu weeraro garoonka diyaaradaha magaaladda Muqdisho ee Aadan Cadde.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here