Wararka ka imaanaya Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in dagaal u dhaxeeya Maleeshiyaad Xoolo dhaqato ah oo kasoo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug in uu haatan ka socda halkaas.
Dagaalkaan ayaa ka socda Degaanada dhaca Waqooyi Bari Gobolka Mudug gaar ahaan Degaanada Miyiga ah ee hoostaga Godod sida idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ay u sheegeen dad halkaas ku sugan.
Inta la xaqiijiyay 6-qof oo ah dhinacyadda dagaalamaya ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaalka ka socda Degaanada dhaca Waqooyi Bari Gobolka Mudug gaar ahaan Degaanada Miyiga ah ee hoostaga Godod.
Dhanka kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulada Puntland iyo Galmudug oo ku aadan dagaalka ka socda Waqooyiga Bari ee Gobolka Mudug.

