Faah-faahin:-Gaari Caasi ahaa oo Miino Kula Kacday Duleedka Balcad

0

Inta la xaqiijiyay 6-qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay kadib markii gaari caasi ahaa ay miino kula qaraxday deegaanka lagu Magacaabo Danida Baalow oo u dhexeeya Degmooyinka Afgooye iyo Balcad ee Gobolada Shabeelaha hoose iyo Shabeelaha Dhexe

Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in Gaariga caasiga ahaa oo ka baxay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ay deegaankaas Miinadda kula qaraxday islamarkaana ay saarnaayeen 6-ruux oo isugu jirey Rag iyo Haween.

Waxa uu sheegay qofka deegaanka in dhamaan dadkaas ay meesha ku dhinteen aysan jirin qof ka badbaaday Miinadda Gaariga la kacday.

Sidoo kale waxa uu sheegay in aaga ay Gaariga miinada kula kacday uu yahay Mid dagaal balse aysan joogin Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya iyo kuwa Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab oo dhowr jeer halkaas ku dagaalamay.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here