Rag Bastoolado ku Hubeysnaa ayaa Caawa Degmada Waabari ku dilay Allaha Unaxariistee Taliye ku-Xigeenkii hore ee Saadka ee Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeey Gen. C/laahi Qururux.
Koox Hubeysan oo aan Tiradooda la Cayimin ayaa Toogtay Taliye ku-Xigeenkii hore ee Saadka Xili uu ku sugnaa Afaafka Hore ee Masjidka Al-Iman oo ku dhow Xarunta Degmada Waabari Halkaasi oo uu ku soo Tukaday Salaada Cisho Sida ay Simba u Xaqiijiyeen Dad Goobjoogayaal ah
Saraakiisha Militariga Soomaaliya ayaa Sheegay Marxuum Gen. C/llahi Qururux uu ahaa Xubin Muhiim ah oo ka tirsanaa Saraakiisha Waqtiga Dheer soo Hogaamiyey Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed

