Golaha Wasiirada Xukumadda Soomaaliya ayaa Caawa Shir deg deg ah oo Albaabadu Xiran yihiin Iskugu yimid Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho kaasi oo bilowday salaadii maqrib ka dib
Warar Madax Banaan ayaa Idaacada Simba u Xaqiijiyey in Shirkaan Diirada lagu Saarayo Khilaafka ka Dhex jira Dowladda Soomaaliya iyo Maamul Gobaleeyda oo ku kala Aragti duwan Khilaafka Dowladdaha Carabta iyo Xiisada Siyaasadeed ee ka soo Dhex Cusboonaatay Maamulka Galmudug.
Ilo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegaya in kulankaan looga hadlayo xiisada Siyaasadeed ee Galmudug iyo Eedeymaha Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ee ah in Dowladda Soomaaliya ay fara-galin ku heyso Maamulkiisa ayna ku lug-leedahay Xiisada Siyaasadeed ee Cadaado ka jirta.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Goboleedyada ayaa isku khilaafsan Go’aanka dhex dhexaadnimada ee Dowladdu ka qaadatay Xiisada Khaliijka, iyadoo maamul goboleedyada ay la safteen Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka.

