Waaxda sirdoonka qaranka dalka Mareykanka ee CIA-da ayaa waxa ay sheegtay in ay kor u qaadeeso weerarada ay fuliyaan diyaaradaheeda Drones-ka sida lagu sheegay war ka soo baxday xafiiska aqalka cad ee Washington iyadoo sidoo kale ay xaqiijiyeen saraakiil sirdoon ah in kor loo qaadayo weerarada diyaaradaha Drones-ka ay fuliyaan.
Goobaha ay weerarayaan diyaaradaha Drones-ka ayaa ah xarumaha ay ka howlgalaan ururda Al-Qacida iyo kuwa xeriirka la leh ee loogu yeero argagixisada waxaana dalalkaasi kamid ah soomaaliya , Afghanistan Pakistan, Libya iyo yeman oo dagaalyahano islaamiyiin ah ay ka howlgalaan isla markaana dagaalo ay ka socdaan.
Hadii uu qorshan meel mariyo madaxweynaha mareykanka ayaa noqonaysaa markii ugu horeesay ee CID-da awood ku yeeshaan dalalkan oo Afghanistan Iyo Somaliya ay kamid tahay.
Ilaa hadda waaxda difaaca pentagon-ka mareykanka ayaa door weyn ka ciyaaraysa fulinta weerarada loo adeegsado diyaaradaha kuwaa oo laga fuliyo dalal somaliya ay ku jirto.

