Waxaa lasoo gaba-gabeeyay tirinta cododka wareega koowaad ee doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle.
Musharax Maxamed Cabdi Waare ayaa ku horeeya cododka wareega koowaad.
Doorashada oo ah mid xiiso leh ayaa Musharax Maxamed Cabdi Waare uu la soo baxay dar dar aad u xooggan, waxaana uu hada ku hoggaaminayaa 44 cod
Sidoo kale Musharaxa ku xiga Daahir Cabdulle Cawaale ayaa leh 20 cod, halka Musharaxiinta kala ah Cabdi Faarax Laqanyo iyo C/naasir xaaji Shirwac ay leeyihiin min 6 cod.
Waxaa lagu wadaa in goor dhow lagu dhawaaqo natiijada cododka wareega koowaad ee doorashada iyo sida loo kala horeeyo, iyadoo Guddiga Doorashada lagu wado inuu ku dhawaaqo

