Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Hir-shabelle oo Maanta Dhacaysa

0

Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Hir-shabeelle ayaa maanta ka dhacaysa Magaaladda jowhar ee Caasimadda Maamulka Hir-shabeelle.

Ilaa 8-sideed musharax ayaa u taagan qabashada xilka madaxweynaha Dowladd goboledka Hir-shabeell, kadib markii hogaamiyihii hore ee Maamulkaas Cali C/laahi Osoble ay kalsoonida kala noqdeen Xildhibaanada Baarlamanka Maamulkaas.

Cabdi Faarax Sharaawe Laqanyo. Cabdikariin Cali Nuur.Daahir CabdulleMaxamed Cabdi Waare.Yuusuf Maxamuud Hagar (Dabdageed).Cabdinaasir Shirwac Maxamed.Maxamed Caruush Diirow iyo Cabdiraxmaan Xuseen Caddow, ayaa ah musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Dowladd goboledka Hir-shabeelle.

Xubnahaan ayaa qudbadahooda ka hor jeediyay dhowrkii maalin aynu soo dhaafnay Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaas, iyadoo mas’uul walba uu sheegay in wax badan uu qaban doono dhinacyadda amniga, hormarka Hir-shabeelle.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here