Ciidamo aad u farabadan oo ka tirsan Maamulka Hir-shabeelle iyo howlgalka Midowga Afrika AMISOM ee Soomaliya ayaa saaka la wareegay dhammaan Xarumaha Maamulka,Kontroolada laga galo Magaalada,iyo hoolka doorashada ee magaalada Jowhar.
Ciidanka ayaa u diidaya gaadiidka iyo dadweynahaba inay isticmaalaan waddooyinka qaar ee magaalada Jowhar kuwaa ku amraya inaysan marikarin dibna uga laabtaan.
Ciidanka ayaa sidoo kale xiray gabi ahaamba wadooynka gala xarunta loogu tala-galay doorashada Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle inay ka dhacdo manta oo sabti ah.
Magaalada ayaa waxaa jooga wafuud kala duwan kuwaa oo ka kala socda dowladda Soomaaliya,Beesha Caalamka iyo madax ka socota maamul goboleedyada dalka,waxaana ay u tageen inay goobjoog ka ahaadaan doorashada la filayo inay manta qabsoonto.
Waxaa La Ballamiyey Dhammaan Xildhibaanada Baarlamaanka Hir-shabeelle inay xaadiraan xarunta doorashda Sadax-saac oo subaxnimo si doorashadu ay waqtigeeda ugu dhacdo
Wasiirka Arimaha gudaha Maamulka Hir-shabeelle Maxamed Cali Caadle oo la hadlay Idaacadda Simba ayaa sheegay in qorshahoodu uu yahay in maanta doorasho xalaal ah oo lagu qanacsanyahay ay ka dhacdo magaalada Jowhar ka maamul ahaan ayuu sheegay inay adkeeyeen ammaanka magaalada si waxyeelo amni darro aysan u dhicin inta doorashadu ay socoto,wax walba oo keenikara dib u dhaca doorshada ayuu sheegay inay ka gaashaanteen.
Dad badan ayaa dhagta u taagaya waxa kasoo bixidoona doorashada la filayo inay maanta ka dhacdo magaalada Jowhar ee lagu dooranayo madaxweynihii badalilahaa hoggaamiyihii baarlamaanku ay eryeen ee Cali Cabdullahi Cosoble,waxaana xilkan u taagan in ka badan 10-musharax oo mid walba uu wado abaabul xooggan oo uu ku doonayo inuu ku kasbado codka xildhibaanada si uu ugusoo baxo.

