Sidee Deeganada Al-shabaab Loogu Hirgalinayaa Sharciga Dhismaha Dowladaha Hoose?

0

Wasaaradda Arimaha gudaha Maamulka Jubbaland ayaa faah-faahin ka bixisay sida deegaanada ay Al-shabaab ka Maamulaan Gobolada Jubba-land looga hirgalinayo Sharciga dhismaha Dowladaha Hoose oo shalay shir arrimahaas ku saabsan ka frumay  magaaladda Kismaayo ee caasimadada KMG ah ee Maamulkaas.

Cabdi Axmed Agaasimaha Wasaaradda Arimaha Gudaha Ee Jubbaland  oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda muqdisho ayaa sheegay  in Maamulka qorshaha ugu horeeya uu ku dhaqaaqi doono uu yahay sidii sharciga dhismaha Dowladaha Hoose ugu  hirgalin lahaa goobaha ku jira Gacanta Dowladda Soomaliya ee Maamulka jubba-land, islamarkaana loo gudbin doono deeganada Al-shabaab ay maamulaan marka lagu soo celiyo gacanta Dowladda.

“Shirka Sharciga dhismaha Dowladaha Hoose waxaa marka hore la hirgalin doonaa 5-degmo oo gacanta uu ku hayo maamulka Jubba-land, waxaa kamid aha Garbahaarey, Doolow luuq, afmadow iyo kismaayo, dhamaana waxaa gacanta ku haysa Jubba-land, waxaa kadib loo gudbi doonaa deeganada Al-shabaab ay maamulaan marka laga xoreeyo”, ayuu yiri Cabdi Axmed Agaasimaha Wasaaradda Arimaha Gudaha Ee Jubbaland.

Maamulka Jubba-land ayaa gacanta ku haynin deegaano badan oo ku yaala Gobolada Jubooyinka iyo Gedo,waxaana deegaanadas maamula dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ee Soomaliya ka dagaalama.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here