Madaxaweyaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga Magaalada qaahira ee Dalka Masar ayaa Sheegay in Soomalida ay xiligaan la daala dhacayaan dhibaatooyin dalka ka jira.
Madaxaweyne Farmaajo ayaa sheegay taariibka dhalinyarada iyo Dagaalka waxa loogu yeero Argagixisada ay yihiin dhibaatooyinka ugu Xun ee Soomaaliya ka jira islamarkaana loo baahan yahay in Si degdeg ah waxa looga qabto ayadoo Laga tashanayo qeybaha kala duwan bulshada Soomaaliyeed ee dalka iyo dibad jooga.
Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Dhalinyarada Soomaaliyeed inay Joojiyaan Taariibka oo dhibaatooyin badan ay kala kulmaan oo ay ka mid tahay inay Natdooda ku waayaan Bada iyo kooxaha waxa Taariibiya Lacago Faro badan Madax fursho ah ka qaata halka qaarkood la dhigo Goobo dadka lagu jir dilo.
Ugu danbeyntii Madaxweynaha Soomaaliya mudane Farmaajo ayaa sheegay Dowladda Federaalka ay Siyaasad Cad ay kaleedahay la dagaalanka Taariibka iyo kuwa ka ganacsada wax Taariibinta waxa uuna Bulshada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ka dalbaday inay Dowladda Soomaaliya ay ku Ganacsiiyaan la dagaalanka Taariibka oo ah mid dhibaato badan ku haya Dhalinyarada iyo Waalidiinta Soomaaliyeed.

