Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa ku waramaya in dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab in ay weerar xoogan ay ku qaadeen Deegaan Lagu magacaabo Gaamba ee Katirsan Gobalka Taanariifa una dhow Gobalka Lamu ee Kenya.
Shabaab ayaa la sheegay in weerarka ku eekeeyeen Xarun Kamid Ah Xurumaha Dowladda Kenya Ku leedahay Deegaankaasi ,gaar Ahaan Shirkada Korontada oo koranta siin jirtay Deegaankaasi Iyo Deegaano kale oo hoos yimaada.
Sidoo kale wararka waxa ay sheegayaan in weerarkaas shabaab ay geysteen lagu burburiyay dhismayaal ay leedahay Dowladda Kenya, islamarkaana aan haatan ay deegaanka aysan ka jirin wax koronto ah.
Dhanka Kale Ciidamada Kenya gaar ahaan kuwa cirka ayaa Bilaabay in ay duqeemo ka geysanayaan dhulka Keymaha gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Booni halkaasi oo ay ku dhaqan yihiin xoola dhaqato .
Sarkaalka Hogaaminaya Ciidanka Kenya ee deeganadaasi Duqeeyay oo Lagu Magacaabo Jowsaf kayeeni ayaa qiray in ay jiraan duqeymaha isgoona sheegay in Dadka xoolaha dhaqatada ah ee ku dhaqan Deegannada La duqeeyay in gacan saar la leeyihiin Al-shabaab.
Dowladda Kenya ayaa todobaadkaan soo saartay amar ku aadan in dadka xoolo dhaqata ah in ay ka guuraan keymaha oo ay sheegtay in ay ku sugan yihiin dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

