Wararka ka imaanaya degmada jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika AMISOM iyo dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab in habeenkii xalay ahaa ay tiro madaafiic ah isku weedaarsadeen gudaha degmadaas.
Ilaa dhowr Madaafiic ayay dagaalyahanada Xarakada Al-shabab ay ku weerareen Saldhig ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin gudaha degamdaas, Ciidamada Jabuuti ayaa dhankooda waxa ay rideen madaafiic jawaab u aheyd tan Al-shabaab.
Lama ogo ila haatan qasaaraha ka dhashay madaafiicda ay isweedaarsadeen Ciidamada AMISOM iyo Kuwa Al-shabaab.
Mid kamid ah dadka deegaanka degmada jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay madaafiicda si weyn loogu maqlay gudaha degmada islamarkaan ay cabsi soo wajahday dadka shacabka ah.

