Galmudug oo Ka Hadashay Qorshaha Isku-dhafka Ciidamada+Dhageyso

0

Maamulka Galmudug ayaa markii horeysay ka hadlay qorshaha isku-dhafka ciidamada Galmudug iyo kuwa Puntland oo dhawaan tababar loogu furey Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka  mudug.

Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobalka Mudug Galmudug Cabdi Xuseen Maxamed  oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qorshaha iskudhafka ciidamada loogu talagalay in lagu xasilayo amniga Gobolka Mudug oo ay la wadaagaan Dowladd Goboleedka Puntland

Waxa uu Sheegay in Tababarkii dhawaan Magaalada Gaalkacyo  loogu furey ciidamada labada maamul uu muujinayo sida loogu baahan yahay in nabad loogu dhigo guud ahaan Gobolka Mudug.

“Madaxda Maamulka puntland  iyo Galmudug tababar ay u fureen Ciidamo kala socda labada maamul,qorshaha isku dhafka Ciidamda waxa uu yahay in ay ka qeyb qaataan sugida amniga labada maamul, waxay ka howlgali doonaan Ciidamada labada dhinac, cidii ka hortimaada way ka hortagi doonaan, Galmudug iyo Puntland diyaar waxay u yihiin in amni laga dhigi Magaalada Gaalkacyo”, ayuu yiri

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here