Booliiska magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa baaritaano ku haya askari Soomaali Mareykan ah oo katirsanaa ciidanka booliis magaaladaas kaasi oo lagu eedeeyay in uu dil u gestay haweeney u dhalatay dalka Australia oo lagu magacaabi jirey Justine Damond.
Haweenayda uu dilay askarigan Soomaali Mareykanka ayaa wacday lambarka 911 si ay booliiska ugu wargaliso dhaq dhaqaaq iyo cod ka soo yeeray gurigeeda agtiisa , waxaana booliiska markii uu gaaray gurigeeda dhacday in haweeneydaasai halkaasi lagu toogto.
Maxamed Noor oo ah Askariga Soomaaliga ah ee dilka lagu eedeeyay ayaa si KMG ah shaqada looga fariisiyay, Waaxda badbaada Shacabka ayaa sheegtay in ay baaritaan ku hayso arrinta Sabtidii dhacday Booliska waxay sheegeen in kaameerada askariga ku xirnayd markii ay arrintaasi dhacday ay duubtay, balse ay haatan wadaan baaritanka arintaas ku aadan.
Betsy Hodges Duqa magaalada Minneapolis, oo war kooban kasoo saartay dilkan ayaa sheegtay in ay aad uga naxday kana qalbi jabtay falkan dilka ah ee dhacady, waxa ayna sheegtay in ay socdaan baaritaano dilkaasi ku aadan.
Askarigan Soomaaliga ah ayaa noqday sargaalkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo kamid noqda ciidanka booliiska magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka, waxaana Maxamed Nuur oo ku biiray booliiska Mareylanka sanadkii 2015-kii uu wax ku bartay dalkaasi.

