Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Dalka Mudane Cabdi Xaashi C/laahi ayaa Sheegay in Joojin doonaan mooshin walba ay Dowladda ka Keenaan Xildhibaanada Golaha Shacabka hadii uusan Waafaqsanay Dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka.
Gudoomiyaha ayaa soo hadal qaaday Wararka Sheegaya in Xildhibaano ka tirsan Aqalka Hoose ay ka Wadaan Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre Mooshin waxa uuna ku baaqay in la joojiyo Mooshinkaas hadii uu jiro asaga oo intaa ku daray Xukuumada Kheryre ay joogto waqti yar,islamarkaan ay Muhiim tahay fursad lagu hubin karo in Howl Gudasho la’aan ka jirta Xafiiska Ra’iisulwasaaraha iyo Xubnaha Golaha Wasiiradiisa.
Gudoomiyaha Golaha Sanatar-kan Soomaaliya Cabdi Xaashi ayaa Soo dhaweeyey Go’aanka Xukuumada Soomaaliya ee ah in Shirka Asbuucalaha ah ee Golaha Wasiirada in lagu qabto Xarumaha Maamul Gobaleedyada dalka tilaabadaas oo ku Tilmaamay in Soo Celin karto Kalsoonida Shacabka Dagaalka Sokeeye ku jiray Mudda dhowr iyo 20-ka Sano ah ee dalku uu Dowlad la’aanta iyo Bur-burka ku jiray.

