Wasiirka Wasaaaradda MaaliyaddaXukuumadda Federaalka ah ee Somaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle oo shalay hortagay Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya ayaa sharaxaad ka bixiyay ujeedka maamulka Somaliland looga reebay Miisaaniyad sanadeedka sanadkaan 2017-ka.
Wasiir Beyle oo ka jawaabay Su’aalo ay weydinayeen Xubno ka Tirsan Guddigyadda Maaliyadda baarlamanka federaalka Soomaliya ayaa tilmaamay inaanu jirin ujeedo gaara ah oo maamulka Somaliland looga reebay miisaaniyada sanadkaan 2017-ka, balse waxa uu sheegay in miisaaniyadda Dowladda ayaa haatan ay ka dhaxeyso Dowladda Dhexe ee Maamul goboleedyadda dalka ka jira.
Sidoo kale Wasiirka Wasaaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka ah ee Somalia, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa sheegay in Wasaaradu ay wado qorsho cusub oo maamulka Somaliland loogu raadinaayo qoondo, balse waxa uutilmaamay in taa ay imaan doonto wixii ka danbeeya wadahadalka DFS iyo maamulka Somaliland u socda.
“Dowladda Soomaliya sabab gaar ah ma jirto oo ay ugu reebtay Somali-land Miisaaniyad sanadeedka sanadkaan, balse hadii guul laga gaaro wada-hadalka Somaliya iyo Somali-land waa lagu soo dari doonaa Misaaniyadda, wakhti badan ayay qaadan doontaa in maamulka Somaliland lagu daro miisaaniyadda dowladda”, ayuu yiri Wasiir Beyle.
Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka ah ee Somalia, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa ugu baaqay madaxda Maamulka Somali-land in ay la yimaadaan Mowqif ay ugu mid noqon karaan Mamul Goboleedyadda dalka ka jira si buu yiri loo siiyo xaquuqda ay ku leeyihiin Dowladda Dhexe.

