Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka Tirsan Dowladda Kenya Al-Shabaab ayaa la sheegay inay khaarijiyeen sarkaal ka mid ahaa ajaaniibta ka bar bar dagaalamayay oo u dhashay dalka Kenya, kaddib markii uu muran soo kala dhex galay.
Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa oo soo xiganayay ehelada sarkaalka la dilay iyo sirdoonka Kenya ayaa sheegay in Al-shabaab ay si ku talagal ah u dileen Mustaf Hassan Maxamed, oo kamid ahaa Saraakiisha Kenyaan-ka ee kamid ahaa dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.
Sarkaalkan ayaa la sheegay in la dilay todobaadkii hore, markii uu ka soo hor-jeestay weerarada Al-Shabaab ka geysanayeen gobolka waqooyi bari Kenya gaar ahaan magaalooyinka Mandheere, iyo Gaarisa.
Sidoo kale warar jira warar sheegaya in muran soo kala dhex galay Sarkaalkan iyo Taliyeyaashiisa ay keentay in la dilo.
Al-Shabaab ayaa horay u dilay muwaadiniin Kenyan ka bar bar dagaalamayay, kaddib markii ay ku eedeeyeen inay u basaasayeen Sirdoonka Kenya, ayna ka dambeeyeen dilal loo geystay Madaxda Sare ee Al-shabaab.

