Qaar kamid ah Ergooyinkii soo doortay Xildhibaanada Baarlamanka Federaalka Soomaliya ayaa ka dlabaday dowladda federaalka Soomaliya in ay u sameyso Ilaalo gaar ah kadib markii ay soo wajahday cabsi amni.
Suldaan shariif Cali Ibraahim oo kamid ah Ergada Koonfur Galbeed ee Xildhibaanada labada aqal kusoo doortay Magaalada Baydhabo ayaa dhaliilay qaabka Dowlada Soomaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed aysan xil isaga saarin badbaadinta noloshada Ergooyinka Xildhibaanada soo doortay, xili Muqdsho iyo Gobolada Dalka Soomaliya lagu dilay qaar kamid ah ergooyinkii soo doortay Xildhibaanada.
Sidoo kale Suldaan shariif oo kamid ahaa Ergada Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale sheegay in haatan noloshooda ay la baqaan xiliyadda ay ku sugan yihiin goobaha ay shacabka iskugu yimaadaan, islamarkaana ay caga-jugleyn joogto ah ay kala kulmaan dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.
Ugu dambeyntii Suldaan Shariif ayaa ugu baaqay Dowladda Dhexe ee Soomaliya in ilaalo gaar ah ay u sameyso Ergooyinka si ay kaga badbaadaan dilalka ay Al-shabaab u geystaan kuwaasi oo sii kordhay Mudooyinkii dambe.

