Qarjab:-“20 Xubnood oo Ka Tirsanaa Al-Shabaab ayaa Lagu Dilay Galgala”,

0

Wasiirka Wasaaradda amniga  Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab, oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe  ayaa ka hadlay howlgalada Ciidamada Amniga Maamulkaas ay ka wadaan  Buuralayda Galgala ee Gobolka Bari.

Cabdi Xirsi Cali Qarjab, ayaa sheegay in ciidanka amniga Puntland ay sii wadi doonaan hawlgalka, inta buu yiri laga soo afjarayo dagaalyahanada Xarakada Shabaab ee ku dhuumaalaysta Buuralayda Galgalaee Gobolka Bari.

Saraakiisha Ciidamada Puntland ee Buuraha Galgala ee Gobolka bari ayaa hawlgalo ka wada Buuralayda deegaanadas waxayna Saraakiisha amnigu ay sheegeen inay ku dileen 20 Xubnood oo ka tirsanaa dgaalyahanada Al-Shabaab.

Sidoo kale Wasiirka amniga Puntland Qarjab, ayaa sheegay in amniga guud ee Puntland uu aad u wannaagsan yahay, isla markaana ay ciidanku gudanayaan hawlahooda shaqo.

Ugu dambeyntii Wasiir Cabdi Qarjab ayaa sheegay in ciidanku ay baaritaano ku samayn doonaan cid kasta oo looga shakiyo inay gacan ku leedahay falalka Argagixisada, isla markaana Maxkamad la horgeyn doono.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here