Jabuuti oo Lagu Eedeeyay in Somaliya Ku Taageertay Joojinta Saldhiga Berbera

0

Maamulka  Somaliland ayaa dawladda Djibouti ku eedeyay in Soomaliya ku caawinayso  isku day uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo doonayay inuu ku joojiyo qorshaha dawladda Imaaraadka Carabtu ku doonayso inay saldhig kaga samaysato magaalada Berbera ee ee gobolka Saaxil.

Newsweek Middle East wargeyska la yiraahdo oo ka faalooda arrimaha dalalka Qaaradda Afrika  ayaa warbixin dheer ka qoray danaha Imaaraadka Carabta ee gobalka Geeska Afrika, waxaana warbixinta diiradda saartay saldhigyada Milatari ee Imaaraadka Carabta ee Berbera iyo Casab ee Somaliland iyo Ereteriya.

Wakiilka Maamulka Somaliland ee Imaaraadka Carabta Baashe Cawil oo wargeyskaan wareysi siinayay ayaa sheegay ,in Djibouti doonayso inay kooto ku haysato saldhigyada milatari ee shisheeye ee gobalka Geeska Afrika , waxaanu intaas raaciyay in dawladda Soomaaliya qaaday olole ka dhan ah saldhiga Berbera ee Imaaraadka, ka dib markii ay dawladda Djibouti codsi arrintan la xiriirta u gudbisay.

Sidoo kale Wakiilka Maamulka Somaliland ee Imaaraadka Carabta Baashe Cawil ayaa sheegay in Somali-land ay ku guuleysatay in la hakiyo daandaansiga Dowladda Soomaliya, iyo caawinta Dowladda Jabuuti ee Salhiga Magaalda berbera ee Gobolka Saaxil.

 

Madaxweynaha Soomaliya farmaajo oo dhawaan furey Kalfadhiga 2-aad ee Baarlamanka 10-aad ayaa sheegay  in Dowladiisa uu ka horeeyay heshiiska Saldhiga Berbera islamarkaana ay qaadayso Talaabo lagu ogaano xogahaas heshiiskaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here