Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay tan iyo markii uu go’ay qadka internet-ka ee guud ahaan dalka laga isticmaalayay in ay maalin waliba ay ka soo xaroon jirtay lacag dhan 10 Milion oo doller waxaana lagu tilmaamay in ay tahay qasaaro weyn oo dalka soogaaray.
Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta dowlada federalka soomaaliya Mr.cabdi canshuur xasan ayaa shir saxafaadeed uu mgaalada mogdishu ku qabtay waxa uu ku sheegay in soomaaliya ay lumisay lacag ka badan 130 Milion oo dollar tan iyo maalintii internet-ka uu la waayay oo ay ka soo wareegatay 13 maalin.
Adeega qadka internet soomaaliya oo dadka somaaliyeed ay aad kaga xumaadeen ayaa waxa uu saameyn weyn ku yeeshay intaba badan gobalada koofureed ee soomaaliya oo ay ka mid tahay magaalada Mogadishu.
Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta si faah-faahsan ma’uusan kaga hadlin waxa sababay maqnaashaha internet-ka soomaaliya balse saraakiil dowlada katirsan iyo qaar kamid ah shirkadaha internet-ka bixiya ayaa u Sababeeyay dhibaatadan qadka soomaaliya soo gaartay in markab ganacsi uu jaray fiilo Cable-ah oo hoos marta badda hoosteeda.
Cabdi canshuur xasan wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta dowlada federalka soomaaliya ayaa waxa uu xusay in dowlada ay ka shaqeyneyso sida ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan in loo soo celiyo adeega qadka internet-ka dalka soomaaliya.

