Taabid:-“Madaxda Dowladda Hanagala Shaqeeyaan Maqaamka Muqdisho”,

0

Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed oo ka qeyb galay xafladda Furitaanka Kalfadhiga Labaad ee Baarlamanka 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya ayaa ka codsaday Madaxda dalka In lagala qeyb qaato sidii bulshada Gobolka Banaadir ay u heli lahaayeen matalaadooda.

Gudoomiye Taabid ayaa sheegay in Baarlamaanka uu hor-yaalo howlo qaran oo culus, wuxuun soo hadal qaaday  arrinta Maqaamka Magaalada Muqdisho iyo sida ay tahay in lagu helo, iyadoo loo marayo sida dastuurka qabo.

Waxaa uu sheegay in Muqdisho ay tahay Caasimadda dalka iyo xaruntii dowladii dhexe, ayna ku nool yihiin in ku dhow 3 milyan oo ruux, waxaa uu xusay in nidaamka federaalka uu dhigayo in maqaam gaar ah ay yeelato, sida ku cad qodobka 9aad ee dastuurka.

“Maqaamka Muqdisho wuxuu ku dhismi karaa labo shaqo oo waa weyn, mid waa dib u eegista dastuurka iyo go’aan ka gaarista maqaamka magaalo madaxda dalka, go’aanka maqaamka iyo soo saarista sharciyadeeda gaarka ah wuxuu dusha u saaran yahay Xildhibaanada Golaha shacabka”ayuu yiri Guddoomiye Taabid.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Maamulkiisa uu si walba uu dadaal ku bixin doono sidii bulshada Gobolka Banaadir ay u heli lahaayeen matalaadooda.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here