Shiikh Cali Maxamed Gudoomiyaha Degmada Janaalle ee Gobalka Shabeelaha Hoose oo la hadlay Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey amaanka degmadaasi oo uu sheeegay in uu yahay mid xasiloon kadib maalmo kooban oo ay dagaallo ka jireyn.
waxa uu sheegay in dadka deegaanka degmadaasi ay badi ka barakaceyn dagaaladii dhawaanahaan halkaa ka jiray, iasgoo carabka ku adkeeyey in maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya aynan door muhiim ah ka qaadan sidii dadkaas barakacay ay u heli lahaayeen waxii ay u baahnaayeen oo ay meelo Muqdisho ay kamid tahay ay ku dhibaatoonayaan.
Gudoomiye Shiikh Cali ayaa sheegay in dadka ka barakacay degmadaasi ay gaarayaan qiyaas ahaan 500 oo ruux oo u baahan in wax loo qabto laguna garab siiyo sidii degmadooda ugusoo laaban lahaayeen.
Ugu dambeyntii Shiikh Cali Maxamed Gudoomiyaha Degmada Janaalle ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed ugu baaqay in ay barakacayaasha ka hayaamey degmada Janaalle ay ku saacidaan sidii ay degmadooda ugu soo guryo noqon lahaayeen.
