Shir Loogu Hadlaayo Burcad Badeeda oo Ka Furmaya Dalka Mauritius

0

Magaalada Port Louis ee dalka Mauritius waxaa ka furmaya Shir Loogu Hadlaayo Burcad Badeeda Soomalida  iyadoo shirkaan uu Soomaliya u matalayo Wasiirka Kaluumaysiga iyo Kheyraadka badda Xukuumadda Federaalka Soomaliya.

Dr C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi Wasiirka Kaluumaysiga iyo Kheyraadka badda Xukuumadda Soomaliya  oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee Bbc-da ayaa sheegay in Shirkaan ay ka qeyb galayaan Wadamo ku yaala qaaradda afrika kuwaasi oo la dhibaatoonayo burcad Badeeda Soomalida.

Wuxuu sheegay Dr C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi Wasiirka Kaluumaysiga iyo Kheyraadka badda Xukuumadda Soomaliya   in shirkaan loogu hadlaayo qatarka kooxaha Burcad Badeeda Soomalida, sidii loo qorshayn lahaa dhaqaalo loogu talagalay la dagaalanta Burcad badeeda Soomalida, iyo walaaca laga qabo.

“Magaalada Port Louis ee dalka Mauritius Waxaa dhacaya shir loogu  hadlaayo arrimaha burcad badeeda Soomalida, shirka waxaa ka qeyb galaya wadamada deeq bixiyayaasha caalamiga ah,qodobada loogu hadlaayo waxa kamid ah qatarta Kooxaha burcad badeeda Soomalida, iyo sidii wax loogu qaban lahaa”, ayuu yiri  Wasiirka Kaluumaysiga iyo Kheyraadka badda Xukuumadda Soomaliya.

Sidoo kale Dr C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi Wasiirka Kaluumaysiga iyo Kheyraadka badda Xukuumadda Soomaliya ayaa ku macneeyay sababta shirarkaan loogu qaban la yahay Soomaliya in ay tahay xagga amniga oo aad u liita balse sanadaha soo socda lagu qaban doono.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here