Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Amb. Stephen Schartz.
kulankaan ayaa ka dhacay qeybta VIB-da ee garoonka, halkaasoo inta badan Madaxweynaha ku qaabilo Diblomaasiyiinta reer Galbeedka.
Kulanka Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Amb. Stephen Schartz iyo Madaxweynaha Soomaliya ayaa la sheegay in loogu hadlay arrimaha siyaasada, ammaanka iyo taageerad Mareykanka uu siiyo Soomaaliya.
Dhowr jeer oo hore ayay Madaxweynaha iyo Safiirka Mareykanka ugu kulmeen garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo bilo ka horna uu la kulmay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Africom uu ku qaabilay
Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Amb. Stephen Schwartz ayaa dhowaan sheegay in Safaaradooda Muqdisho ay dib uga furan doonaan bisha October ee sanadkan, isagoo xusay in markii u horeysay Mareykanka howl gal diblomaasi oo rasmi ah ku yeelan doono Soomaaliya.
Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu garoonka diyaaradaha Muqdisho kula kulmo qaar ka mid ah Safiirada Beesha Caalamka u fadhiya Soomaaliya oo qaarkood fadhigoodu yahay Xarunta Xalane.
Inta badan Diblomaasiyiinta Mareykanka iyo saraakiishooda ayay Madaxda Soomaalida kula kulmaan garoonka diyaaradaha Muqdisho.

