Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaaradeed oo Xalay Saqdii dhexe ka dhacday inta u dhaxeysa degmada Baraawe iyo Tuulada Kuunyo Barow ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Duqeynta ayaa la sheegay in ay fulisay mid kamid ah diyaaradaha dowladda Mareykanka ee aan duuliyaha laheyn waxaana lala beegsaday sarkaal ka Tirsanaa Xarakada Al-shabaab o iyo Ilaaladiisa oo la socday gaari kuwa Raaxadda ah.
Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka degamda Baraawe ee Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa xaqiijiyay duqeyntan, waxaana uu sheegay in lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab iyo ilaalo la socotay oo saarnaa gaari.
Sidoo kale waxa ay sheegeen in duqeynta lagu dilay Sarkaal ka Tirsanaa Xarakada Al-shabaab, goobtana ay xireeen Al-shabaab madaama ay ayaga gacanta ku hayaan.
Deegaanka duqeynta ka dhacday Tuulada Kuunyo Barow ayaa waxaa gacanta ku haya Al-Shabaab, waxaa la sheegay inay aad ugu dhow dahay, halkii sanad ka hor lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu magacaabayay C/llaahi Xaaji Daa’uud oo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ay duqeyn la beegsadeen gaari uu la socday.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka Xarakada Al-Shabaab.

