Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa digniin culus u diray dadka mushaarka ka qaata hey’adaha dowladda ee ku diiwaan gishan inay shaqaale yihiin, balse aanay soo xaadirin shaqooyinkooda ay ku qoran yihiin.
Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay soo ogaadeen dad mushaarka ka qaata xafiisyadda Dowladda, balse aanay aheyn shaqaale dowladda ka tirsan
“Waxaa soo ogaanay kuwa meelo kale ka shaqeeya, ee mushaarka dowladda qaata, kuwa dibadaha jooga ee mushaarka qaata, kuwo suuqa bakaaraha iska fadhiya oo mushaar qaata, oo aan soo xaadirin shaqada”ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaliya
Dhanka kale Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dadkaas ay fursad siinayaan illaa dhamaadka bishan July, cidii soo xaadiri weyda shaqadeeda mushaarka laga jari doono.
Wasiir Beyle ayaa sheegay in shaqaalaha dowladda ay gaarayaan illaa 5kun oo ruux, kuwaasoo uu xusay inay jiraan dad dibadaha jira oo Akoonadooda Bankiga ugu dhacda mushaarka, ayna dowladda Soomaliya ka warqabta.

