Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in muddo 2-bilood gudahooda lagu soo gaba-gabeeyo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Galmudug iyo Maamulka Ahlusuna Waljameeca.
Madaxweynaha oo ku sugan dalka Kenya islamakaana wareysi siiyay Laanta afka Soomaliga ee VOA-da ayaa waxa uu sheegay In Galmudug ay diirada saari doonto sidii loo xalin lahaa tabashooyinka maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljamaceeca islamarkaana ugu badnaan arrimahaas xal loogu gaaro muddo 2-bilood.
“Khilaafka Siyaasadeed ee ka dhaxeeya Galmudug iyo Ahlusuna waxaan rajeenaynaa in lagu soo gaba-gabeeyo muddo 2-bilood ah,waxaa haatan kulamo kula qaatay Magaalada Nairobi jaaliyadaha Galmudug ee dalkaan ku nool,rajada aan ka qabno in la qanciyo walaalaheena Ahlusuna waa mid aad u wanaagsan”, ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

