Maxkamadda CQS oo Soo Saartay Digniino Culus+Dhageyso

0

Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidammada Qalabka Sida ee Dowladda Soomaliya  ayaa digniin culus u jeedisay Ilaalada saaran Gaadiidka isticmaala waddooyinka Caasimadda ee ay shacabka cabashooyinka soo gudibiyeen.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada kowaad ee Ciidanka qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute, oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Maxkamadda ay soo gaareen cabashooyin ku aadan in ay dhibaatooyin  kala kulmaan  Ilaalada saaran Gaadiidka isticmaala waddooyinka Caasimadda,islamarkaana Maxkamadda cidii ay arintaas kusoo qabato ay Maxkamadd la tiigsan doonto.

“Baabuurkii ilaaladiisa muwaadin wadada maraya u dhibaateeya Maxaad iiga horreysaa ama iiga dambeysaa dambi iyo ciqaab culus ayaa ka dhallaneysa waana uga digeynaa cid walba oo falkaasi ku kacda” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda darajada kowaad ee Ciidanka qalabka G/sare Xasan Cali Nuur (Shuute).

Wadooyinka magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya ayaa waxaa ku arkaysaa qaar kamid ah Ilaalada saaran Gaadiidka Madaxda Dowladda Soomaliya oo qoryaha ku taagaya shacabka Soomaliyeed, iyagoo ujeedkooda uu yahay in wadada ay maraan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here