Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa Khudbad dheer ka jeediyay ShirkaIsgarabtaagga Uganda ee arrimaha Qaxootiga, kaasi oo maalin shalay ahaa ka furmay Magaalada Kampala.
Farmaajo ayaa Khudbadiisa kaga hadlay arrimo dhowr, waxa uuna ku baaqay in fursado lasiiyo qaxootiga Soomaaliyeed Sidoo kale waxa uu sheegay inay muhiim tahay in Qaxootiga Soomaalida lasiiyo fursado ay uga shaqeysan karaan dalalka ay martida u yihiin si ay noloshooda u hormariyaan.
“Markaan waa markii labaad aan Uganda imid oo si sharafleh oo wanaagsan aad ii soo dhoweyseen, muddo laga joogo dhowr sano ka hor ayaa waxaa la qabtay daraasad cod qaadis ah, waxaa loo codeeyay Soomaalidu waxay hore u oran jirtay.
Gaajo gobonimo leh, iyo waxaa loo codeeyay Dhereg gunimo leh, boqolkiiba boqol waxay u codeeyeen tan hore Gaajo gobonimo leh, macnaheedu waxay tahay qofka Soomaaliga ah wax walbo waxaa uga horeeya sharafta, taas waa dadkii hore dadka hada maanta jooga maxaa u yaala marka ?
Waa xaqiiqa anaga Vision-keena dowladdnimo waxay tahay Sharafkii Soomaaliyeed inaan soo celino maxaa yeelay Dowladdu waa muraayadeena waaye aad isku fiirinaysaan, sidaad u egtahayayeey ka turjumaysaa dowladda.
Waxaan aaminsanahay weli dadkii fiicnaa oo aaminsana in gobonimada ka doortaan ee maxaan ku iraahdaa gunimo ka doortaan, weli waa joogaan waa idinka, waa soo taaganahay. Qayb ahaan wixii naga burburay oo dowladdnimada ahayd weeye in aan ka bilowno marka, maxaa yeelay Soomaali waxaa lagu daydaa waalidka , hadii dowladd aanahayna dowladda lagu dayda, marba hadba dowladda Siday u egtahay ayuu shacabku u ekaanayaan, marka waxaa nagu ballan ah anagoo magaciina metelayna in sharafkii iyo qabkii Soomaalinimo aan soo celino intay rabto ha nagu qaadato.
Dowladdnimadiinu qiimey yeelanaysa sharafkii Soomaaliya waa soo noqonaya, laakiin waxa naga qasay nabadgelyadeenii iyo ammaankeenii iyo noloshii aan aduunka kale kula tartami lahayn, waa intaasi dhallinyarada ah oo runtii feker khaldan haysata, saa ogtihiina waxaan u fidinay cafis, macnaheedu mahaan anaga laftayagu inaan rabno inaan layno , maxaa yeelay wiilasheenii weeye, waxaan u fidinay cafis in ay noo yimaadaan, oo ay ka qaybgalaan horumarka iyo dhismaha dalka, waana sugeyna inkastoo ay soo bilaabanayaan hada inay isi soo dhiibaan.
Walaalayaalow marka , Ammniga Soomaaliya sugitaankiisa Soomaaliya keliya ha ku haleynina, idinka naftigiina masuuliyada idinka saaran , maxaa yeelay waxaa sugeysaan inay Soomaaliya degto oo aad kusoo noqotaan, marka si kasta dalkaan ammnigiisa aad qayb uga qaadan kartaan, si kasta oo aad anaga qayb nagala qaadan kartaan ammniga Soomaaliya , waa wax loo baahanyahay maxaa yeelay waxay soo dhoweynaysaa xasiloonida iyo ammaanka Soomaaliya ayeey soo dhoweynaysaa.
Beesha Caalamka waxaa hada ka go’an inay gacan nasiiso, waxayna gacan nagu siinaysaa , sida aan anaga ula dhaqano iyo saan ula imaano, waxay hada naga aragtaa shacab iyo Dowlad iswata oo isku duuban.
Dhallinyaradu hadaa doonaysaan leader-shipka Soomaaliya iyo Mustaqbal fiican inay Soomaaliya ay hesho, fadhigana aad ka kacdaan oo aad qayb kasoo noqotaan dowladdnimadaan hada socota, haday noqoto dhiig inaa u daadisaan, maxaa yeelay kuwa hada dibadaha ka imaanaaya, oo shisheeyaha ah oo shabaabka ku jira, waa dhallinyaro idinkoo kale ah.
oo laakiin naftooda waxay u hurayaan idinka iyo walaalihiin iyo kuwa Soomaaliya jooga inay nolol u diidaan, idinkana hadba toosh la idinku hayo oo la yiraahdo kan ma Terorist-baa mise ma aha? adoo shaqeysanaaya oo hor u jeed ah , wax kalena maaha, wax kale maaha , maxaa yeelay dhallinyaradii ka hortegi lahayd yaa fadhida,oo sugeysa inuu qof ilaahay cirka uga soo diro oo u Clean-gareeyo dhulkii”






