Wararka ka imaanaya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaliya ayaa ku waramaya in guri ku yaala gudaha degmadas in uu ka dhacay qarax miino oo dhulka lagu aasay.
Maamulka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegay In qaraxa lagu aasay guriga islamarkaana la qarxiyay xili ay ku nasanayeen askar ka Tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya.
Dhame Maxamed Cabdi Nuur oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaliya ee Gobolka Gedo oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qaraxa uu dhacay xili saacadda ay aheyd 04:00 islamarkaana lagu qarxiyay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaliya oo ku nasanayay Guriga ku yaala Degmada baandheere.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhaawacmay 4-askari iyo qof shacab ah oo guri ku sugnaa sida uu Xaqiijiyay Maamulka Degmada.

