Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaliya ayaa marti galisay 3-qarax Sagaal maalmood gudahooda, kuwaasi oo lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen dad shacab ahaa.
Qaraxyadda oo loo adeegsaday gaawari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu weeraray Hoteelo,Maqaayaddo, Xarumo Dowladdeed kuwaasi oo qasaaraha ugu badan uu kasoo gaaray shacab Soomaliyeed oo aan waxba galabsanin.
3-dii qarax ee ka dhacay magaalada muqdisho Sagaal maalmood gudahoda waxaa ku dhintay 51-qof, oo u badan shacab,waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad oru u dhaafaya 100-ruux oo shacab u badan, inkastoo dhaawacyo iska sahlan ay soo gaareen Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda Soomaliya sida Gudoomiyaha Degmada Wadajir.
- 14-kii bishaan waxaa rag hubeysan ay dagaal & weerar ismiidamin ah ay ku qadeen maqaayadaha pizza house iyo Boosh oo ku yaala Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, waxana werarkaas ku dhintay 29 qof oo dumar u badan, kuwaasi oo xiligaas ku sugnaa xarumaha la weeraray,mas’uuliyadda weerarkaas waxaa sheegtay dagaalyhanada xarakada Al-shabaab.
- 20-kii bishaan waxaa weerar ismiidamin ah lagu qaaday xarunta dagmada wadajir ee Gobolka Banaadir waxana ku dhintay weerarkaas 14 qof oo rayid u badan, waxaa dhaawac uu kaso gaaray Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Degmada.
- 22 bishaan oo maanta ah waxaa weerar ismiidamin ah lagu qaday saldhiga booliska dagmada waabari ee Gobolka banaadir waxaana weerarkaas ku dhintay 8 qof oo rayid u badan, kuwaasi oo wadada maraya, waana qarax saameyn ku leh ku yeeshay Shacab Soomaliyeed.
Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa dhawaan caro iyo dhagaxaan waa weyn ku goysay wadooyinka muhiimka ah, iyo jid cadayaasha ku yaala xaafadaha taasi oo dhibaato aku ah Shacabka Soomaliyeed, madaama wadada kaliyah ee haatan ay isticmaalaan ay tahay mida Maka Al Mukarama, waxaa laga dareemaa mar walba Mashquul aad u badan, waxayna shacabka u nugul yihiin dhibaato soo gaarta hadii wadadaas ay wax ka dhaceen sida maanta dhacday oo kale..

