Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kulan deg deg ahaa la qaatay Hay’adda amniga Dowladda Soomaliya , kaasi oo loogu hadlayay sidii loogu hortagi lahaa weerarada ay geystaan dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.
Kulanka oo uu shir gudoominayay Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Xasan Cali Kheyre, waxa ka qeyb galay wasiirka Amniga gudaha Soomaliya Maxamed Abuukar Islow ducaale, taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaliya Jeneraal Sambaloolshe, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliyeed Jeneraal Saacid, iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed Jeneraal Cirfiid.
kulanka ayaa diirada lagu sidii hay’adda amniga Dowladda Soomaliya ugu hortagi lahaayeen weerarada sii xoogeysanaya ay geystaan Xarakada Al-shabaab, oo bishaan Ramadaan gudaheda ay Magaalada Muqdisho ka geysteen labo qaraxa oo shalay midkii ugu dambeeyay uu ka dhacay degmada Wadajir.
Kulanka markuu soo dhamaaday waxaa saxaafada ugu waramay wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Maxamed Abuukar Islow ducaale,wuxuuna sharaxaad uu ka bixiyay waxyaabaha kulanka diirada lagu saaray.

