Madaxweyne Farmaajo oo Safarkiisa 11-aad Galaya

0

Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta u safraya Magaalaa Kampala ee Caasimadda Uganda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa dalka Uganda Yoweri Museveni   waxaa haatan mgaalada Kampala laga dareemayaa qaban-qaabada soo dhaweynta Wafdiga Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Madaxweynayaasha  Farmaajo  iyo Yoweri Museveni  ayaa la filayaa in  marka ay kulmaan ay kawada hadlaan arrimaha Soomaliya gaar ahaan dhanka Amniga, madaama Uganda ay Ciidamada ugu badan ay Soomaliya ka joogaan.

Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo ayaa dhawaan la kulmay Madaxweynaha Uganda waxayna kawada hadleen sidii dowladda Cusub loogu gacan siin lahaa dagaalka lagula jira Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here