Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Xabadaha iyo walxaha qarxa ee dalka ka dhaca dhibato ay ku hayaan dadka shacabka ah.
Xili uu kormeer ku tagay qaar kamid ah isbitaalada ku yaala Magaalada Muqdisho oo ay jiifaan dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan kii Maqaayadda Pizza House iyo Boosh, ayaa sheegay in dadka Soomaliyeed ay dhibaato badan ay kala kulmaan Xabadaha iyo walxaha qarxa oo ku jira gacmaha shaqsiyaad gaar ah, kuwaasi oo shacabka ku dhibaateeya.
“Ka Xukuumadda ahaan waxaan xanuunka la qeybsanaynaa shacbaka Soomaliyeed ee waxyeelada ay kasoo gaartay dagaalada dalka ka socda, Soomalida waxaa baabi’iyay Miino xabad iyo madfac,aan ka shaqeyno sidii hubkaas dadka lagu dhibaateenayo ay dowladda Soomaliya gacanta ugu dhigi laheyd si shacabka loo badbaadiyo aysan waxyeelo u gaarin”, ayuu yiri Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.

