Maxkamadda degmada Hargeysa, ayaa Xukunno ku ridday toddoba Dhalinyaro ah oo ay mid kamid ahi Gabadh tahay, kuwaas oo ay Ciidammada Boolisku ku soo qabteen iyaga oo Cunto iyo Qaad ku cunaya Beer ku taalla Xaafadda Masallaha ee magaalada Hargeysa, isla markaan qaarkood qirteen, kuwo kalenaMarkhaatiyo Maxkamadda kaga maragfureen inay Xaaraan quudanayeen Bisha Barakaysan ee Ramadaan.
Guddoomiyaha Maxkamadda degmada Hargeysa Cabdirashiid Beergeel oo ku dhawaaqay Xukunkaas iyo qodobbada Ciqaabta ah iyo weliba Aayadaha Qur’aanka ah ee ay Maxkamaddu u cuskatay Xukunkooda, ayaa faahfaahiyey qaabkii loo soo qabtay iyo qirashada Dhalinyaradaas.
Garsooraha Maxkamada degmada Hargeysa oo faah faahinaya xukunka ay ku rideendhalinyaradan xaaraan lagu qabtay ayaa waxa uu yidhi “Waxay Maxkamada degmada Hargeysi u fadhiisatay dacwadan oo uu qaranka dhibane ka yahay, waxaana eedaysanayaal ka ah Mumtaas Xasan Cabdillaahi, Ina Hinda Suudi oo 22 jir ah, Mubaarik Maxamed Xasan ina Foosiya Ismaaciil 25 jir ah, Maxamed Xasan Cilmi, Ina Ugaaso Ducaale oo 28 jir ah, Maxamed Cabdilahi Cabdi, Ina Caasha Biixi oo 22 jir ah, Cabdirashiid Aadan Raabi, Ina Canad Maxamuud oo 30 jir ah, Faysal Maxamed Xasan, Ina Caasha Maxamed oo 26 jir, Khaalid Xasan Ismaaciil, Ina Basra Cabdi oo 22 jir ah iyo eedaysanaha 8aad oo maqane ah oo la yidhaa khaalid Ibraahim Aadan”
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale faah faahiyey eedaymaha loo haysto dhalinyaradan waxaanu yidhi “Waxaa la idinku soo eedeeyey taariikhdu markay ahayd 14ka bishan lixaad [dorraad] in si wadaj ir ah ay ugu gafeen qodobka 402, 404, ee XCG oo sheegaya anshaxa xumo oo lala akhriyo 73 ee XCG oo isaguna sheegaya dembi si wada jir ah loo galay, sababtoo ah dembiga lagu soo eedeeyey in 14kii bishan abaaro 4:30kii galabnimo in ciidanka bilaysku ay soo qabqabteen iyagoo goob wada fadhiya cunaayana qaad iyo cunto xaaraan ah iyagoo meel kaga dhacay xurmadii bishan ramadaan ay lahayd oo xaaraan quutayaal ah”
Dhinaca kale waxaa uu guddoomiyuhu fadhiga maxakamadda ka akhriyey eedaha lagu soo oogay 8da dhalinyarada ah kuwaas oo uu sheegay in lagasoo qabtay beer dhinaca galbeed ka xigta xaafadda Masallaha ee koonfurta Magaallada Hargeysa. Cabdirashiid Beergeel Guddoomiyaha Maxakamadda Degmada oo halkaasi kaga dhawaaqay xukunku waxaa uu yiri:
- Mumtaas Xasan Cabdillaahi, Ina Hinda Suudi oo 22 jir ah,
- Mubaarik Maxamed Xasan ina Foosiya Ismaaciil 25 jir ah,
- Maxamed Xasan Cilmi, Ina Ugaaso Ducaale oo 28 jir ah,
- Maxamed Cabdilahi Cabdi, Ina Caasha Biixi oo 22 jir ah,
- Cabdirashiid Aadan Raabi, Ina Canad Maxamuud oo 30 jir ah,
- Faysal Maxamed Xasan, Ina Caasha Maxamed oo 26 jir,
- Khaalid Xasan Ismaaciil, Ina Basra Cabdi oo 22 jir ah iyo
- Maqane khaalid Ibraahim Aadan
Kuwaas oo si wadaj ir ah ay ugu gafeen qodobka 402, 404, ee XCG oo sheegaya anshaxa xumo oo lala akhriyo 73 ee XCG oo isaguna sheegaya dembi si wada jir ah loo galay waxa lagu xukumay min lix bilood oo xadhiga h iyo min hal milyan oo lacag ah oo wada socda”. Waxaana sidoo kale uu carrabka ku dhuftay baabuurro iyagu u adeegayay xubnahan eedaysaneyaasha ah oo iyagana la xukumay “Dembiilaha 7aad ee Khaalid Xasan Cabdillaahioo isagu watay gaadhiga indhacaddeha ah ee uu ugu shaqaynayay xaaraan quuteyaashan bishan ramadaan, gaariga oo lambarkiisu yahay 51680 somaliland, waxa si gaar ah loogu xukumay ganaax dhan laba milyan oo shilin Somaliland in uu bixiyo. Sidoo kale gaadhiga labaad ee uu watay dambiilaha afraad ee MAxamed Cabdillah I Cabdi oo isagu ah VITS [Tukhaan] oolambarkiisu yahay 70846 Somaliland waxaisagana si gaar ah lagaga xukumay ganaax dhan Laba milyan oo shilin oo la socda xadhiga, si mar dembe aanay u dhicin in dadweynaha Somaliland ugu dhicin dembigan oo kale oo ay ku cibro qaataan”.

