Somaliland iyo Khaatumo ayaa heshiis ka kooban 5qodob ku kala saxiixday Hotel Ambasador ee Hargeysa, waxaana shirka kan xiga loo ballamay 10ka Jully in uu ka dhaco Burco.
Qodobadda ay ku heshiiyeen
1-Somaliland iyo Khaatumo inay ku dedaalaan sidii afgarad buuxa looga wada gaadhi lahaa
2-In la wada qorsheeyo lagana wada shaqeeyo sidii loo heli lahaa somaliland loo wada siman yahay oo ku dhisan cadaalad, maamul wanaag iyo xaq dhawrista xuquuqal iinsaanka, ku dhisan diinta islaamka oo muwaadiniinteedu midna ku ahayn marti balse ay u wada siman yihiin.
3-In dastuurka somaliland la furo si loo xaqiijiyo awood qaybsi sugan oo cadaalada ku dhisan oo laga sameeyo madaxda golayaasha fulinta, sharci dejinta, garsoorka iyo hay’adaha dawliga ah.
4-In la sameeyo maamul daadejin heer gobol, degmo iyo magaalo lana qeexo mid walba awoodeeda.
5-In shir dambe layskugu yimaado 10-ka July laguna qabto magaalada Burco si lo odhameeyo wixii qabyada ah lagana tashado qaabkii iyo hanaankii loo qaban lahaa shir loo wada dhan yahay
Labada dhinac waxaa heshiiska u kala saxiixay Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland Sacad Cali Shire oo Somaliland u qaabilsan wadahadalka Khaatumo iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Khaatumo Maxamuud Shiikh Cumar oo isna Khaatumo u qaabilsan wadahadalka Somaliland.

