Raisulwasaare Kheyre oo Cambaareeyay Weerarkii Maqaayadda Boosh Treats+Dhageyso

0

Raisulwasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Xasan Cali kheyre ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii caawa ka dhacay Maqaayadda Boosh Treats oo ku taal degmada Hodon magaalada Muqdisho.

Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in ka dowladd ahaan ay aad kaga xun yihiin islamarkaana ay ka damqanayaan dadkii waxyeelada ay kasoo gaartay weerarkii caawa ka dhacay Maqaayadda Boosh Treats oo ku taal degmada Hodon magaalada Muqdisho.

“Waa in aan nabad galyadda wax ka qabanaa halkaan anagoo fadhina ayaad maqlayseen in qarax uu ka dhacay Magaalada, kuligeena waan damqanay,waxaa laga yabaa in ay ku waxyeeloobeen shacab Sooamliyeed,waxaa aqbalnay in qarax meel uu ka dhaco aan ka cararno, hadaad aaminteen Madaxweynaha iyo raisulwasaaraha  ayaa wax qabad laga sugayaa waa qaldan tihiin, qof walba ayaa dowladdnimada laga doonayaa in uu ka shaqeeyo”,ayuu yiri Raisulwasaraha Xukuumadda federaalka Soomaliya Xasan Cali kheyre.

Dagalyahanada Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar xooggan oo caawa fiidkii lagu qaaday Maqaayadda Boosh Treats oo ku taal degmada Hodon magaalada Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here