Dagalyahanada Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii xooganaa ee caawa fiidkii lagu qaaday Maqaayadda Boosh Treats oo ku taala degmada Hodon magaalada Muqdisho.
“Dagaalyahano ka tirsan qeybta qaraxyadda Xarakada aAl-Shabaab ayaa caawa fiidkii weerar ismiidaan ah ku qaaday baAr ay ku caweeyaan , Saraakiisha Dowladda iyo shaqaalaha Dowlaadda ” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab oo lagu warbaahinta Al-shabaab.
Al Shabaab waxay sheegtay in weerarka lagu bilaabay gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay kadibna waxaa xigay toogasho ay fulinayeen ciidamo hubeysan “Weerarka ayaa ku bilowday isqarxin uu fuliyey dagaalyahan ka Tirsan Al-shaabab gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, ka dibna dagaalyahano ka tirsan Al-shaabab ayaa xoog ku galay dhismaha Hotelka Boosh Treats oo ku yaala Degmada Hodan” ayaa lasii raaciyay warka lagasii daayay idaacadda Andalus.

