Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa maanta kormeer ku tagay xerada Laanta-Buuro oo aheyd xiligii dowladii dhexe ee soomaliya xabsigii ciidamada asluubta Soomaliyeed.
Wasiirka Difaaca Somalia Taliyaha Guud ee Ciidanka Midowga africa AMISOM iyo Ammaanduulaha Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa Iminka Kormeeraya Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Laantabuuro oo lagu xareyay cidanka laga saaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.
Mas’uuliyaan ka Tirsan Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaliya ayaa sidoo kale la kulmi doono kormeerkooda kadib taliyayaasha Ciidamada Malatariga Soomaliya ee lagu xareeyay xerada Laanta-Buuro si ay kala hadlaan xaaladaha Ciidamada.

