Xarun islaamic ah oo laga leeyahay dalka india ayaa deeq lacageed oo loogu talagalay dadka abaaruhu ay saameeyeen waxa ay ku wareejisay hay’ada bisha cas ee isutaga imaaratka carabta si loo gaarsiiyo dadka abaaraha ay ku heystaan deegaano iyo gobolo dhaca gudaha dalka soomaaliya.
Ururkan ka dhisan dalka India ayaa ugu deeqay dadka abaaraha ba’an ay ku heestaan dalka soomaaliya 100,000 oo Dh iyadoo loo soo marinayo hay’ad qeyri ah oo dalka isutaga imaartka laga leeyahay.
Hay’adaan islaamiga ah ee bixineysa deeqdan lacageed ayaa sheegtay in ay ugu talagashay dadka kuguda jira bisha barakeysan ee ramadaan kuwaa oo xaalado nolol xumi ay ku heysato gudaha dalka soomaaliya.
Bava Haji oo matalayay hay’adana ayaa sheegay in soomaaliya abaaro iyo xaalado nolol xumi ay ka taagantahay gudaha dalka soomaaliya isagoo tilmaamay in deeqdan ay tahay tii ugu badneed ee somaaliya hindiya ay soo gaarsiiso mudo laga joogo 40 sano.
Abdullah Fidel Saeed Alhameli oo ah madaxa hay’ada bisha cas ee isutaga imaarada carbata oo deeqadan ka gudoomay Xarun islaamic ah oo laga leeyahay dalka india ayaa sheegay in Sooomaliyed dhawaan ay soo gaariin doonaan.

